Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxii saaka ka dhacay Isgoyska Ex Kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.
“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Maanta waa maalin murugo badan oo muujineysa sida argaixisadu ay bartilmaameed uga dhigteen shacabkeenna. Waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska dadkii naga shahiiday, waxaana Alle uga rajaynayaa inuu noo bogsiiyo dhaawaca.” Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in goobta lala beegsaday ay muujinayso ficillada gumaadka ah ee ay Argagixisadu ku hayaan shacabka Soomaaliyeed “Argagixisadu waxay saaka beegsatay arday jaamacadeed oo tacliin u kallahayay, hooyooyin iyo aabbayaal u xoogsanayay carruurtooda iyo dad aan waxba galabsan oo ku mashquulsanaa hawl maalmeedkooda.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ku amray Xukuumadda in awooddeeda oo idil isugu geyso sidii gurmad caafimaad oo degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada iyo qoysaska dhibaataysan, isagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda ay dhibaataysan.
Halkaan ka daawo Hadalkiisa
PUNTLAND POST