In ka badan 60 ruux oo la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxii Muqdisho

In ka badan 60 qof oo shacab u badan, ayaa hadda la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxii saaka ka dhacay Isgooyska Ex Kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta gaadiidka gurmadka deg dega ah iyo saraakiil ka tirsan Booliiska Muqdisho, ayaa laga soo xigtay in khasaaraha dhimashada qaraxa ay gaarayso 68 qof, halka dhaawacuna uu ka badanyahay 100 ruux.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, ayaa u badan Ardayda wax ka barta dugsiyada iyo Jaamacadaha magaalada Muqdisho, gaar ahaanna Ardayda Jaamacadda lagu magacaabo Banaadir University , kuwaasi oo goobta qaraxu ku haleelay, xilli ay saarnaayeen gaadiidka dadweynaha ee Caasiga loo yaqaan.

Sidoo kale, shaqaale Turkish ah oo dhisayay wadada Xariirisa Muqdisho iyo Afgooye, oo ay weheliyeen ciidan ilaalo u ahaa, ayaa dhammaantood ku wada-dhintay qaraxa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gaadiidka gurmadka degdega ah.

Qaraxa Ismiidaaminta ah ayaa loo adeegsaday gaari xamuula oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasi oo lala beegsaday goob canshuurta lagu qaado oo ku taalla Ex Kantarool Afgooye. Goobta ayaa la sheegay in ay aad mashquul u ahayd xilliga qarax lala beegsaday.

PUNTLAND POST