Dowladda Soomaaliya oo magacowday Guddiga Gurmadka Qaraxii Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi Qaran oo ka shaqeeya isku dubba ridka gurmadka loo sameeyo dadka waxyeellada kasoo gaartay Qaraxii  maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyn u tacsiyadeeday ehelada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay Qaraxa ayaa sheegay in guddiga uu magacaabay ay qaabilsan yihiingurmadka loo fidinayo dhaawacyada iyo gargaaridda eheladii laga dhintay.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhaawacyada aan dalka wax  looga qaban karin loo raadinayo caawimaad iyo daryeel dalka dibaddiisa ah waxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaan inay qayb ka qaataan gurmadka socda iyo dagaalka looga soo horjeedo Argagaxisada.

Qaraxa saaka ka dhacay Isgoyska Ex Kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad gaaraya 76 ruux halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 110 ruux oo kale.

PUNTLAND POST