Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya oo ansixiyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka

Mudanayaasha Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  ansixiyay sharciga doorashooyinka Qaranka ee muranka badan dhaliyay.

Xildhibaannada Aqalka Hoose oo Sharcigan marsiiyay Akhrinta 3aad ayaa maanta si adag  uga dooday qodobka 53aad ee sharciga oo dhigaya haddii duruufi amni, xaalado aafooyin dhacaan iyo arrimo farsamo doorashada dib ugu dhacdo ilaa  lix bilood muddo kororsi ay dhici doonto.

Qodobkan ayaa ahaa mid si weyn Xildhibaannada uga soo horjeedeen, waxaana ay soo jeediyeen in laga saaro qodobkan gebi ahaantiisa.

Fadhiga Xildhibaannada ay maanta yeesheen ayay ugu dambeyn ku ansixiyeen. 171 Xildhibaan ayaa ogolaaday Sharciga, halka  5 mudane  ay diiday, 2 kalena ka aamustay..

Sharcigan ayaa loo sii gudbin doonaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, si ay ansixiyaan, kadibna madaxweynuhu u saxiixo.

PUNTLAND POST