Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay Marti ku ahaa Madasha La-hadalka Bulshada ee PDRC Talk’s, ayaa ka booday mid kamid ah laba su’aalood oo laga weydiiyay Maxkamadaha Puntland.
Su’aasha kowaad ee madaxweyne Deni la weydiiyay, ayaa ahayd sababta uu ugu dhiirran la’yahay Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland, maadaama Puntland doonayso in ay u gudubto Nidaamka Xisbiyada badan? Su’aasha labaad ayaa sidoo kale ku saabsaneyd, sababta uu ilaa iyo hadda madaxweynuhu u magacaabi waayay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland, maadaama uu geeriyooday Guddoomiyihii hore, islamarkaana Dastuurka Puntland uu qorayo in mudda 45 cisho gudahood ah lagu soo magacaabo Guddoomiye cusub.
Madaxweynaha oo ka jawaabay su’aasha kowaad, ayaa sheegay in haddii aysan weli dhisnayn Maxkamadda Dastuuriga ah, taasi aysan wax qabad ah ku keeni karin Barnaamijka Xisbiyada badan ee Puntland doonayso in ay u gudubto, isagoo xusay in haddii Maxkamadda Dastuuriga ah maqantahay, ay Maxkamadda Sare qabanayso dhammaan hawlihii Maxkamadda Dastuuriga ah.
Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa ka booday su’aasha labaad oo la xiriirtay, sababta uu ilaa iyo hadda madaxweynuhu u magacaabi waayay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland, maadaama uu geeriyooday Guddoomiyihii hore, islamarkaana Dastuurka Puntland uu qorayo in mudda 45 cisho gudahood ah lagu soo magacaabo Guddoomiye cusub.
Hoos ka daawo su’aalaha iyo jawaabta madaxweyne Deni
PUNTLAND POST