Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA iyo wasaarada Qorshaynta iyo Xiririrka caalamiga ah ee Puntland waxay si wadajir ah markii ugu horaysay u wada qabteen shirka wadatashiga Bulshada Rayidka oo ku aadan Qorshaha Hormarinta PL ee shanta (5) sano ee soo socota 2020-2024.
Shirkan oo ay kasoo qaygaleen 70 aqoonyahan oo kakala socday qaybaha kala duwan ee Bulshada rayidka oo ay hogaaminayso PUNSAA waxaa looga hadlay Arrimo ay kamid yihiin qodobada mudnaanta la siiyay ee ku jira Qorshaha hormarinta PL 2020-2024(priorities of the 5YPDP(2020-2024).
Sidoo kale waxaa looga hadlay kaalinta Bulshada Rayidka PL ay ka qaadankarto qorshahan(Role of Civil Society) iyo hindisida mudnaan cusub oo laga yaabo in ay Bulshada ku cusubyihiin sida Isadalka cimiladaiyo Dimuqraadiyada PL kuwaas oo qay ka noqonkarta Qorsha cusub(emerging new priorities/issue).





PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.