Puntland: Dowladda Federaalka ayaa dagaal ku soo qaadday Waxbarashada Puntland

Dowladda Puntland, ayaa Xukuumadda federaalka Soomaaliya ku  eedaysay, in ay Ardayda Reer  Puntland  u diidday Shahaadadii dugsiyada sare ee heer Federaal.

Af-hayeenka Xukuumadda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani), oo ka warbixinayay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee Khamiista maanta, ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ku eedeeyay, in ay ka hor istaagtay Deeqihii waxbarasho ee Puntland  caalamka ka heli jirtay.

Ardayda Puntland ee sannadkan 2019-ka ka baxay dugsiyada sare, ayaa weli qaarkood u xanniban yihiin shahaadada heer Federaal, halka qaar kalena ay Muqdisho ka doonteen.

Arrintan ayaa ku salaysan Khilaaf dhanka Waxbarashada oo Puntland iyo dowladda Federaalka ka dhex bilowday, kaddib markii bishii May ee sannadkan ay Puntland qaadacday waxa loogu yeeray Imtixaanka midaysan ee wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Hoos ka daawo muuqaalka Af-hayeenka Puntland

PUNTLAND POST