Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa Shir gudoomiyay Shirkii asbuuclaha ahaa ee Maamulka sare iyo gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka banaadir.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha, ayaa lagu sheegay in Shirka looga hadlay Xoojinta amniga Caasimadda, bilic soo celinta, nadaafada ,tirakoobka guryaha iyo Wadooyinka waaweyn sara u qaadida daqliyada kala duwan dowlada hoose ee xamar iyo qodobo kale.
Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa duqa muqdisho waxaa ay u gudbiyeen Warbixinta todobaadlaha ah ee Shaqooyinkii ay qabteen iyo Amniga degmooyinka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna, duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir kula dardaarma,y in ay si hufan ugu adeegaan Shacabkooda,isla markaana ka Shaqeeyaan sugida Amniga.
PUNTLAND POST