
Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu caleema-saarayo Fiqiga guud ee Beesha Reer Xirsi Fiqi Cabdinaasir Maxamuud Mire ayaa ka socota Balliga Jeedalow oo u dhow degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.
Caleema-saarka Fiqiga waxaa ka qeyb-galaya Isinka Guud ee gobolka Mudug Islaan Bashiir Islaan Cabdulle , Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya haatana ah Senetor ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Dr Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Siyaasiyiin, aqoonyahanno, ganacsato, xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale.
Waxaa haatan socda Hadal-jeedinta Mas’uuliyiinta iyo Martida ka qeyb-gelaysa Caleema-saarka.
Halkaan hoose ka eeg sawirada Munaasabadda















PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.