Madaxweynaha Somaliland oo daah-furay Carwada Wax-soo saarka Wershada Wadaniga ah

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta magaalada Hargeysa ka daah-furay carwo ballaaran oo lagu soo bandhigayey wax soo saarka wershahada waddaniga ah ee Somaliland.

Munaasibadda lagu soo bandhigayo wax soo saarka wershadaha Somaliland, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay wefdi ay hoggaaminayso madaxweyne ku-xigeenka ismaamulka dowladda Degaanka Oromada ee dalka Itoobiya, Chaltu Sani Ibraahim oo ay xubno ka yihiin qaar kamid ah wasiirrada maamulka Soomaalida Itoobiya, xubno kamid ah golaha wasiirrada Somaliland, hoggaanka Rugta ganacsiga iyo wershedlayda Somaliland, saraakiisha ugu sarraysa ururka Wershedlayda iyo marti-sharaf kale.

 Madasha ayaa looga  hadlay muhiimadda ay horumarka  u leedahay in ay ganacsatadu ku dhiirradaan yagleelidda wershedo wax soo saar oo Somaliland laga hirgeliyo, si loo kordhiyo wax soo saarka gudaha iyo shaqo abuurka

.Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa bogaadiyey horumarada kala duwan ee wershedlayda Somaliland  ku tallaabsadeen, islamarkaana waxa uu tilmaamay in ay xukuumad ahaan taageero buuxda la garab taagan yihiin ganacsatada ku hawllan wax soo saarka dalka gudihiisa.

PUNTLAND POST