Madaxweynaha waddanka Eritrea Isaias Afwerki ayaa Arbacada maanta gaaray magaalada Addis-Ababa caasimadda dalka Ethiopia.
Madaxweyne Afwerki ayaa Ra’iisul wasaaraha Ethiopia halkaasi kula yeelanaya kulankii u horreeyay tan iyo markii uu abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace Prize ku helay billaabidda heshiiska labada dal.
Dalalka Eritrea iyo Itoobiya waxaa dhex-maray dagaal xuduudda ka dhacay, 1998-2000, kaasi oo ay ku geeriyoodeen qiyaastii 80,000 oo qof.
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa markii uu xilka qabtay waxa uu ka shaqeeyay Heshiis Nabadeed oo dhex maray labada dal kaasi oo lagu soo af-jaray colaaddi labada dhinac.
Afwerki ayaa waxaa safarka ku wehliya wasiirka arrimaha dibedda Osman Saleh iyo la-taliyaha madaxweynaha Yemane Gebreab, sida uu qoraal uu twitter-ka soo dhigay ku sheegay wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane G. Meskel.
PUNTLAND POST