Tirakoobka Shaqaalaha dowladda Federaalka oo la soo geba-gabeeyay

Guddi u xilsaaran Tirakoobka Shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa  sheegay in ay soo geba-gabeeyeen hawlo la xiriiray sameynta xogo iyo kayd dhexe oo laga maamullo shaqaalaha dowladda.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay muddo toddobaadyo ah soo wadeen, barnaamij loogu talagalay Nidaaminta  iyo Tirakoobka  Shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cali Khayre oo booqday gabagabadii hawsha tirakoobka, ayaa wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ka dhegaystay  warbixin ku saabsan qaabkii loo maamulay iyo sida uu ku dhamaaday tirakoobkaasi.

Ra’iisul wasaare , Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyay hawsha  ay qabteen guddigaasi tirakoobka shaqaalaha dowladda, isagoo tilmaamay in ay qeyb ka tahay qorshaha lagu horumarinayo shaqaalaha hay’adaha dowladda.

PUNTLAND POST