Somaliland oo shuruud ku xirtay wada-hadallada dowladda Federaalka

Guddiga Somaliland u qaabilsan wada-hadallada dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin socod-siinta Wada-hadallada, haddii marka hore dowladda federaalka ay meelmariso Heshiisyadii horay loogu gaaray kulamadii ay labada dhinac yeesheen.

Guddoomiyaha Guddiga Somaliland u qaabilsan wada-hadallada dowladda Federaalka  Soomaaliya Drs. Adna Aaden ayaa sheegtay, in ay diyaar u yihiin dib u furidda Wada-hadallada, balse ay marka horay doonayaan in dowladda Federaalka, ay fuliso qodobadii lagu heshiiyay kulamadii hore ee qabsoomay.

In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho, umaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in madaxweynaha dalka aannu jaarka nahay ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay uu yiri saxiixyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan” ayay tiri Dr Adna.

Waxaa isweydiin leh wadahadalladan imika la rabaa, ma kuwii horaa la ansixinayaa oo waa la sii wadayaa? Haddiise heshiisyadii hore ay noqdaan waxba kama jiraan waa gacma daalis. Waxaa la doonayaa madaxweyne qowl leh, oo wakaalad ka sita ummaddiisa, oo shicibka Soomaaliyeed soo doorteen, oo wixii madaxweyneyaashii hore ku heshiiyeen fulinaya, oo ixtiraamaya, awooddii uu ku fulin lahaana leh” ayay sii raacisay.

PUNTLAND POST