Puntland oo xooga saareysa tayeynta ciidamada

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Taliska Ciidanka Daraawiishta ee Garoowe (54-aad).

Madaxweyne Deni ayaa ugu horayn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Puntland, salaan kadib waxa uu Madaxweynuhu kormeeray dufcaddii sadexaad ee ciidanka Birmadka Madaxtooyada oo tababar uga socdo Taliska Xerada 54-aad, waxaa ka horeeyey dufcaddani laba dufcadood oo dhammaystay tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Birmadka Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa la hadlay dufcadda sadexaad ee Ciidanka Birmadka Madaxtooyada, wuxuuna u xaqiijiyey in maanta uu u socdey shaqo la xidhiidha qiimaynta ciidanka iyo sida uu u socdo tababarku.

“Shaqaan u nimi la xidhiidha arrimaha ciidanka, gaar ahaan tababarka, sidaad ogtihiin mudadii u dambaysey dowladdu waxa ay xoogga saartay sidii ciidamada loo tayeynlahaa, haday ahaan lahayd tababarkooda, mushaharkooda iyo hawlgelintoodaba, dabcan waa hawl aad u balaadhan oo aan sahlanayn, waxaan ku faraxsanahay in qorshihii dowladda ay wax ka qabsoomeen, laguna gudajiro oo aan rajaynayno hadafkii la lahaa in laga gaadho oo ay ugu horayso Puntland inay hesho ciidan shacabkeeda iyo dowladdeeduba ay isku halayn karaan.” ayuu yiri Madaxweyne Deni

Madaxweyne Deni oo hadlakiisa sii wata ayaa yiri “Si loo helo taas waa in ciidanka dhiniciisa maamulka, kala dambayn iyo akhalaaqdiisa la hagaajiyo, agabkiisa iyo xuquuqdiisana la helo, wixii intaas ka dambeeyana waajibaadkooda lagula xisaabtamo Insha Alla”.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ciidamada tababarku u socdo ku booriyey inay waxbadan ka bartaan sarakiisha ciidan ee soo gaadhey dowladdii dhexe ee Soomaaliya, kuwaasi oo qayb ka ah dhismaha iyo dib u habaynta ciidamada Puntland, wuxuuna bogaadiyey shaqada baaxadda leh ee sarakiishu ka gaadheen dhismaha iyo dib u habaynta ciidanka.

Ugu dambayn, Madaxweyne Deni ayaa kulan la qaatay Saraakiisha ciidanka Daraawiishta, Guddiga Dib u dhiska Ciidanka Dowladda, iyo la-taliyayaal arrimaha ciidanka ah.

PUNTLAND POST