Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhameystirayey heshiisyadii ay horey ugaareen beelihii ku dagaalamay deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee bariga gobolka Mudug.
Kulan ka dhacay degmada Towfiiq oo ka tirsan Puntland ayaa laga soo saaray qodobo lagu xoojinayo heshiis horey ugu dhexmaray odayaasha labada beelood ee degaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo, waxaana kamid ah qodobada heshiiskaas ku xusan.
1.In la fuliyo dhamaan qodoba ku xusan heshiiskii ay wada saxiixdeen beelaha colaadu dhexmartay (Saleemaan Cabdalle iyo Reer Nimcaale) ee ku taarikheysan 18/December/2019 kana dhacay Af-barwaaqo.
2. Guddigu wuxuu doortay shir gudoon, waana inuu qaab-dhismeedkiisu dhameystirmaa
mudda 4-ta bari ah ee uu shirku socdo, dowladda Faderaalka Soomaaliya waxaa laga rabaa inay tayeyso Guddiga isku dhafka ah si ay u da-dar galiyaan nabadeynta iyo dhab- u-heshiinta beelaha.
3. In wadda hadaladu sii socdaan.
4. In wada hadal lagu dhameeyo, xal waarana laga gaaro wixii dhib ah oo aan laga samri karin, laguna lafa guro shirarka soo socoda,
5. In Guddiga isku dhafka ah ee odayaasha labada beelood gacan siiyaan ciidanka dowladda Federaalka, si ay u fuliyeen heshiisyadda nabadeed,
6 In odaygii u hogaansamiwaaya heshiisyada nabadda ay ciidamada Federaalku tilaabo adag ka qaadi doonaan,
7 In Gogasha tan xigta la dhigo magaalada Gaalkacyo 5-ta February/20120 ayna fududeyso dowladda Soomaaliya.
Dowladda Federaalka oo shirkaas garwadeen ka ahayd waxaa uga qeyb galay Gen. Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi (Qooje) Taliyaha Qeybta 21-aad ee ciidanka XDS iyo Rooble Axmed Daahir oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya,
Puntland oo maamusha degmada Towfiiq ayaa laga qeyb galin shirkan, lama yaqaano sababta, balse dadka arrimaha siyaasadda la socda ayaa aaminsan in deegaanadaas dowladda Federaalku ka leedahay qorshayaal siyaasadeed.
Puntland ayaa horey ugu eedeysay dowladda Federaalka Soomaaliya colaadda Towfiid iyo Afbarwaaqo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.