Somaliland: Muuse, Faysal iyo Cirro oo saddex arrimood kawada hadlay

Midig: Faysal, Seylici, Muuse iyo Cirro

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinayo ku xigeenkiisa ayaa maanta Madaxtooyada Hargeysa kulan kula qaatay guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in kulankaas looga hadlay saddex arrimood oo kala ah.

In si wada jira ay hoggaanka axsaabta Somaliland uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto.

In saddexda xisbi ee Somaliland ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

In si wada jira saddexda xisbi u guda-galaan soo jeedintii odayaasha ee arrimaha doorashada.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Somaliland iyo guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka ay kulankooda iskula garteen inay wada-tashi kula noqdaan xisbiyadooda, iyaga oo u ballamay kulammo dambe oo arrimaha lagu sii gorfayn doono.

PUNTLAND POST