Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in uu dhaqan-galay Manhajka Dugsiyada Dhexe

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Saree e Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in uu dhaqan galay Manhajka ay soo saartay Wasaaraddu ee loo diyaariyay dugsiga dhexe.

Agaasimaha Xafiiska Manaahijta Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Xasan Mukhtaar ayaa sheegay in Manhajka dugsiga dhexe uu dhaqan galay, isla markaana iskuulada dalka laga bilaabay Manhajkaan oo uu sheegay inuu wax badan uu ka bedeli doono Tayada waxbarashada dalka

Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in manhajkaan uu yahay mid ay soo diyaariyeen Macalimiin Soomaaliyeed,isagoo xusay in  manhajku uu ka turjumayo dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana uu yahay mid uu leeyahay dalka Soomaaliya taasoo meesha ka saareysa isticmaalka manaahijtii hore ee wadamada kale.

PUNTLAND POST