Al-shabaab oo sheegtay in ay la wareegeen degaan hoostaga magaalada Baydhabo

Wararka laga helayo degaanka Goof-Guduud Buureey, oo hoosyimaada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa sheegaya in halkaasi saaka dagaal culus ku dhexmaray ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa saaka waaberkii weerar culus ku ekeeyay, fariisimo ciidamada Koonfur Galbeed ay ku lahaayeen degaanka Goof-Guduud Buureey, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan, sida laga soo xigtay dadka degaanka.

Qoraal ay soo saartay Al-shabaab, ayay ku sheegteen in ay qabsadeen degaanka Goof-Guduud, islamarkaana ay khasaare culus gaarsiiyeen ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Al-shabaab waxay qoraalkooda ku sheegteen, in ay dileen ugu yaraan 8 askari oo ka tirsan ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, halka sida ay sheegeen dhaawacyo intaasi ka badana ay gaarsiiyeen .

Balse, ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay sheegashada Al-shabaab, sidoo kalena saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed weli wax war ah kama soo saarin khasaaraha dagaalka.

PUNTLAND POST