Puntland oo maanta diyaarad Gurmad ah gaarsiinaysa Gardafuu

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan iyo wefdi uu hoggaaminayo oo sida Shixnado gurmad ah, ayaa maanta safar dhanka Cirka ah ku tegi doona magaalada Caluula ee gobolka go’doonsan ee Gardafuu .

Diyaaradda qaadaysa madaxweyne ku xigeenka iyo wefdigiisa, ayaa markii u horraysay ka degi doota garoon macmal ah oo laga sameeyay magaalada Caluula, kadib markii ay waddooyinkii ka gooyeen Roobabkii Deyrta.

Dhammaan degmooyinka kala duwan ee gobolka Gardafuu ayaa go’doonsan, kadib markii Roobab mahiiggaana oo halkaasi ka da’ay ay gebi ahaanba gooyeen waddooyinkii geli jiray gobolkaasi.

Bulshada ku dhaqan degmada Caluula ayaa gacantooda ku samaystay, garoon macmal ah oo si ku meel gaar ah diyaaraduhu u adeegsan karaan, si ay u helaan meelo loo soo mariyo gurmadka ay u baahan yihiin.

Madaxweyne ku xigeenka iyo wefdigiisa ayaa sida qorshaysan halkaasi gaarsiin doona gurmad ka kooban noocyada kala duwan ee Raashinka, Dawooyin, Dhar iyo Adeegyadda aas’aasiga u ah Nolosha.

PUNTLAND POST