Dhaawacyo la geeyey Muqdisho

Garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaa galinkii dambe ee maanta ka degtay diyaarad gaar ah oo sidey qaar kamid ah dhaawacyadii qaraxii xalay ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Dhaawacyadan oo u badnaa dad shacab ah ayaa qaar kamid ah xaaladoodu aad u cuslayd, waxaana isla markiiba loo gudbiyey isbitaalada gaarka ah ee magaalada Muqdisho.

Qaraxii xalay ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaa ku dhintay dad ka badan 10 ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 50 qof oo u badan rayid.

Qaraxa oo ahaa ismiidaamin loo adeegsaday gaari Saaruf ah  ah, ayaa lala beegsaday kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir wax yar uun kadib markii ay ka baxeen hoteelka Five Star ee koonfurta Gaalkacyo.

Qaraxa ismiidaaminta ah oo la doonayay in lagu dhufto gaariga Taliyaha, ayaa ku qarxay gaarigii ka horreeyay kan Taliyaha, waxaana ka badbaaday Taliyaha iyo saraakiil kale oo la rabay in lagu khaarajiyo, inkastoo waxyeello ka soo gaartay ciidankii la socday.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas ismiidaaminta ee ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo, Galmudug.

PUNTLAND POST