
Siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, oo laba jeer Ra’iisul Wasaare ka soo noqday Soomaaliya haatana ah senetor ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka, ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Ex. Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay, in socdaalkiisu la xiriiro sidiii mas’uuliyiinta iyo bulshada Puntland uu la tashiyo ugala sameyn lahaa sharciga doorashooyinka dalka ee horyaalla Golaha Shacabka Soomaaliya.
Balse, ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in socdaalka Cumar Cabdirashiid uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed oo ay kamid yihiin dhex-dhexaadinta madaxweyne Deni iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Karkaar oo mucaaradsan xukuumadda Puntland iyo sidoo kale arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021-da.
Wararku waxay intaasi ku darayaan, in mudane Cumar Cabdirashiid uu horay khadka Taleefonka ugula hadlay madaxweyne Deni, isagoo u ballan-qaaday in uu dhex-dhexaadin ka galayo khilaaf u dhexeeya xukuumadda Puntland iyo siyaasiyiin ka soo jeeda magaalada Qardho oo dowladda mucaaradsan.
Sidoo kale, siyaasi Cumar Cabdirashiid ayaa doonaya in uu madaxweyne Deni iyo xukuumaddiisa ku qanciyo qorshe is-xulafaysi siyaasadeed ah oo ku wajahan doorashooyinka Soomaaliya ee sannadka 2020/2021.
Halkaan ka daawo muuqaalka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.