Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasiirada Maaliyadda dowlad goboleedyada dalka ayaa maanta shir uga furmayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubaland.
Shirka ayaa looga hadlayaa midaynta Hannaanka Maaliyadeed ee dalka, gaar ahaanna midaynta Nidaamka Canshuurah heer Federaalka iyo heer dowlad goboleed.
Sidoo kale Shirka waxaa looga hadli doonaan Barnaamijka Deyn-cafinta Soomaaliya, waxaana shirar midkan lamid ah ay horay uga soo qabsoomeen Ethiopia, Uganda iyo Kenya.
Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo jimcihii shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa ka qeyb-galaya shirkaasi, xilli uu weli jiro khilaafka Villa Somalia iyo Jubaland.
PUNTLAND POST