Gaalkacyo: Khasaaraha ka dhashay qarax lala eegtay Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya

Lix  askari oo ka tirsan ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo caawa lala beegsaday kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Taliyaha iyo Kolonyadiisa oo ka baxay Hoteelka Five Star ee koonfurta magaalada Gaalkacyo, ayaa lagu weeraray gaari nooca Saarufta loo yaqaan oo qof ismiidaamiyay watay, xilli ay marayeen meel aan ka fogayn hoteelka, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen saraakii ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.

Qaraxa ismiidaaminta ah oo la doonayay in lagu dhufto gaariga Taliyaha, ayaa ku qarxay gaarigii ka horreeyay kan Taliyaha, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacantay lix askari, welina wax dhimasho ah lama soo werin.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen Cabdixamiid Maxamed Dirir oo si kooban khadka Taleefonka kula hadlay Puntland Post, ayaa sheegay in uu ka badbaaday qaraxaasi, balse qaar kamid ah ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin khasaaraha.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ismiidaaminta ah ee lagu weeraray Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidankiisa.

PUNTLAND POST