Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku hadlay hadalo qabyaaladaysan.
Madaxweyne Laftagreen oo xalay ka hadlay munaasabad loogu dabaal degayay sanad-guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay markii la doortay oo ka dhacday Baydhabo ayaa sheegay in maalin walba uu maqlo dad caadeystay inay been ka sheegaan maamulka Koonfur-galbeed, isla markaana sheega in uu xasuuq ka dhacay Baydhabo, dadkaasna ay ku jiraan kuwa kasoo jeeda deegaano lagu dilay dad reer koonfur-galbeed ah .
“Siyaasiyiinta mucaaradka, iyaga oo aan imaan Baydhabo ayay been ka sheegaan, waxaana u jeedada ugu weyn ee laga leeyahay tahay in ay dowladda ku xumeeyaan, waxaa ku jira dadkaas kuwa kasoo jeeda deegaano lagu dilay dad reer koonfur-galbeed ah gaar ahaan Gaalkacyo mana ahan kuwa xishoonaya” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.
Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur-galbeed ayaa sheegay in siyaasiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho ee hadaladaas maalin walba sheega aysan u dul qaadan doonin kana aqbaleyn, iyaga oo qarinaya dadkii reer Koonfur-galbeed ee lagu dilay Gaalkacyo.
Madaxweyne Laftagareen waxaa hadalkaas uga jawaabay Xildhibaan Mahad Salaad oo ka soo jeeda Galmudug, sidoo kalena ka tirsan xisbiyada mucaaradka.
Wuxuuna qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in Madaxweyne Laftagareen uu mooryaantii Gaalkacyo dadka ku laayay nagu eedeeyo ama qabiil ku eedeeyo ay tahay nasiib daro aad u wayn iyo gaf.
“Madaxweyne Lafta-gareen mooryaantii Gaalkacyo dadka ku laayay ee dhamaanteen aan ka wada dhiidhinay, si Ehelnimo, Islaamnimo iyo Soomaalinimo ahna aan uga samafalnay hadii maanta uu nagu eedaynayo uuna leeyahay qabiil ayay ahaayeen waa nasiib daro aad u wayn, gafna ku ah dadkeena” ayuu yiri Mahad Salaad.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in mooryaanka iyo Al-shabaabka dhiigya cabka ah ay isku qaanad ku jiraan ee aan la qabiilayn ama hadii kale qolo waliba midka ku abtirsada xumaantiisa ay qaado.
“Waxaan kuu sheegayaa Madaxweynow, hadii mooryaanka Gaalkacyo dadka ku laayay qabiil ahaan aad noo xijinayso adigana midka Al-shabaabka ah ee maalin walba dadkeena ku xasuuqaya magaalada Mogadisho isku qabiil ayaad tihiin ee mas’uuliyadiisa adiguna qaado”. ayuu yiri Mahad Salaad.
Sanadihii ugu dambeeyey waxaa Koonfurta Soomaaliya ku soo badanayey siyaasiyiinta qabyaalad hadla, iyadoo qabyaaladuna ay tahay mida Soomaaliya halkaas dhigtay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.