Wasiirka Shaqada Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Shaqada Sacuudi Carabiya

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Boqortooyadda Sacuudiga Carabiya.

 Wasiir Saqiiq ayaa halkaasi ku la kulmay Wasiirka Shaqada iyo Horumarinta Bulshada, Ahmed Al-Rajhi.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa ay uga wada hadleen Iskaashiga Shaqada iyo Horumarinta Bulshada ee labada dowladood ee Soomaaliya iyo  Sacuudiga.

Waxaa kaloo lagu wadaa wasiirka in  uu kullamo la qaato  mas’uuliyiinta sare ee dalkaas,isaga oo kala hadli doono Arrimo muhiim ah oo ku saabsan xaalada soomaaliya.

PUNTLAND POST