Dalladda Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA, ayaa walaac ka muujisay xarigga ay dowladda Puntland ku samaysay nabaddoonno iyo siyaasiin mudda ku dhow 30 cisho ku xiran xabsiga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha PUNSAA, Faysal Axmed Warsame (Faysal Qaran), ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay liddi’ ku tahay Xorriyatul-Qawlka sida uu qabo qodobka 14-aad ee Dastuurka Puntland iyo Mabaa’iida Dimoquraadiyadda ku dhisan ee Puntland.
Dalladda PUNSAA, ayaa dowladda Puntland ugu baaqday, in ay xorriyaddooda dib ugu soo celiso ama maxkamad sharci ah la horgeeyo, odayaasha iyo siyaasiyiinta ku xiran magaalada Boosaaso, iyadoo la ixtiraamayo ku dhaqanka Dastuurka Puntland.
Sidoo kale, Dalladda ayaa ugu baaqday dhammaan bulsho weynta Puntland, in ay ilaaliyaan Nabadda, Xasilloonida, Midnimada iyo Kala-dambaynta, waxaana ay ku talisay in cid kasta oo tabasho ah qabta ay u marto si waafaqsan sharciga iyo Dastuurka Puntland.
PUNTLAND POST