James Swan oo ka warbixiyay qodobadii wefdigiisu kala hadleen madaxda Puntland

Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa war ka soo saaray kulankii ay Shalay wefdigiisa la qaateen mas’uuliyiinta Puntland oo uu hoggaaminayo madaxweyne Deni.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Mr Swan, ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac looga wada-hadlay; qodoba ay ka mid yihiin u diyaar-garowga doorashada ‘Qof iyo Cod’, dhammeystirka Dastuurka Federal-ka, sii ambaqaadidda deyn cafinta iyo la’dagaallanka Al-Shabaab.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, waxaa socdaalkiisa Puntland ku wehelinayay ku xigeenka Madaxa Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicole Miller; Hawlgalka Midowga Africa oo uu ka socday madaxa taageerada hawlgalka Major General Fidza Dludlu;  iyo wakiil ka socday Urur Gobolleedka IGAD Nuur Cabdi Ciise.

Wefdiga ayaa shalay Garoowe kula kulmay madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni, xubno ka tirsan Golihiisa xukuumadda iyo wakiilo ka socday Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland.

Wadatashiyadan waxa ay noo ahaayeen fursad aan si toos ah ugu dhegaysanno aragtiyada saamileyda sidii lagu gaari lahaa waxyaabaha hortabinada u leh Soomaaliya caqabadaha jirana  looga gudbi lahaa,” ayuu yiri Swan.

Mr. Swan ayaa  sidoo kale Rajo ka muujiyay in sannadka dambe uu Soomaaliya u noqon karo mid taariikhi ah,haddii siyaasiyiinteeda iyo bulshada ay isugu yimaadaan wada-hadallo looga heshiinayo khilaafaadka jira, si hore loogu socdo.

Waxaan rejeynayaa in aan Soomaaliya ka taageerno sidii 2020 uu taariikhi ugu noqon lahaa dalka iyo in Soomaaliya ay awood ugu yeelato sii wadadidda yididdiilada hore u socodkeeda,” ayuu yiri Md. Swan.

PUNTLAND POST