Beesha Caalamka oo war ka soo saartay Doorashooyinka Soomaaliya ee 2021

Xubnaha ku midaysan Beesha Caalamka war ka soo saaray Hannaanka Doorashooyinka Soomaaliya ee sannadka 2021-ka.

Beesha Caalamka ayaa  ugu baaqay labada Gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, in mudada ka harsan sannadkan 2019, ay ku dhameystiraan Sharciga Doorashooyinka Qaran, islamarkaana dib u-eegis ku sameeyaan Xeerka Axsaabta Siyaasadeed ee dalka.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ku baaqay Doorashada madaxtinimada dowladda Federaalka Soomaaliya, ay ku qabsoonto wakhtigeeda Rasmiga ah ee ku beegan dhammaadka 2020-ka ilaa bilowga  2021-da, iyagoo ka digay in ay mudda kororsi sameeyaan Golayaasha Xeer-dejinta iyo Fulinta dowladda Federaalka.

Hoos ka akhriso qodobada Beesha Caalamka

1- In la tixgeliyo dastuurka.

2- In la xaqiijiyo doorashada federalka lagu qabto waqtigii loo qorsheeyay oo ah dhamaadka 2020ka ama bilowga 2021da,iyadoo aysan jiri doonin wax muddo kordhin ah ha noqoto Fulinta ama Sharci dejinta”Golaha wasiirada iyo Baarlamaanka”.

3- In la xaqiijiyo in dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay helaan wakiilo.

4- In dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay awood u helaan inay si toos ah u soo doortaan wakiiladooda iyadoo doorashaduna noqonayso “qof iyo cod”.

5- In door ku yeeshaan xisbiyada siyaasada doorashooyinka.

6-In la damaanad qaado ugu yaraan boqolkiiba soddon wakiilo u taagan haweenka.

7-In la suurtogeliyo in dhammaan laga qeybgalo sida dadka gudaha ku barakacay.”IDPS”.

8- Dhammaan dhinacyada siyaasada ay wada taageeraan kana qeyb ahaadaan.

9-In la awoodo suurtogelinta hufnaan iyo ammaanba, si loo soo jiito dhaqaale ku filan.

10- Natiijada soo baxda ay noqotaa mid lagu doorto  hogaamiyeyaal sharciyad haystaa.

11 – Oo Ilaalinaya muddo xileedka Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka.

PUNTLAND POST