Aqalka Congressk-ka oo u codeeyay in xilka laga xayuubiyo madaxweyne Trump

Aqalka Wakiilada Maraykanka ee Congressk-ka,  ayaa u codeeyay in xilka laga xayuubiyo madaxweyne Donald Trump oo ku eedaysan, in uu si qaldan u adeegsaday awooddiisa madaxweynanimo  iyo in uu ku xad-gudbay Sharciga Maraykanka.

Madaxweyne  Trump, ayaa sidoo kale ku eedeysan, in uu  dhiggiisa Ukraine Zelensky weydiistay in uu baaritaan ku sameeyo, madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden oo horay uga soo shaqeeyay shirkadda gaas-ka ee Ukraine.

 Mr. Trump ayaa qirtay in Zelensky oo ah Madaxweynaha waddanka Ukraine uu kala hadlay arrimo la xiriira Joe Biden, oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga dimoqraadiga, balse eedaymaha kale waa beeniyay.

Aqalka Hoose  ee Congressk-ka,  oo ay aqlabiyad ku leeyihiin Dimoquraadiyiinta, ayaa xilka qaadista qodobka koowaad natiijadiisu noqotay 230 mudane oo oggolaatay in madaxweynaha xilka laga qaado iyo 197 mudane oo diiday. Qodobka labaad ayaa 229 mudane ogolaatay halka 198 mudane ay diideen.

Aqalka sare ee Senate-ka Maraynkanka ayaa loo gudbin doonaa xilka qaadista madaxweyne Donald Trump, si ay go’aan kama dambays ah uga gaaraan.

PUNTLAND POST