Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Geneva Kula Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Geneva ee dalka Swizerland kulan kula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Sweden ann christin linde, oo kamid ah madaxda Geneva uga qayb geleysa madasha qaxootiga adduunka ee looga hadlayo xal u helidda qaxootiga caalamka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay, in mudane Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Sweden ayaa kulankooda uga wada hadlay barnaamijka deyn cafinta, xoojinta xariirka labada dowladood iyo taageerada Sweden ee dib-u-kabashada iyo qorshayaasha dib-u-habeynta.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu xusay, in labada mas’uul  isla qireen inay jirto baahi weyn oo loo qabo in si dhaqsa ah guul looga gaaro hadafyada ku xeeran barta go’aan gaaridda ee barnaamijka deyn cafinta.

Dowladda Sweden ayaa Soomaaliya ka taageertaa barnaamijyada dib-u-kabashada, dib-u-habeynta iyo dib-u-dhiska dalka.

Kulanka ayaa qayb ka ah shirar doceedyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaaar kamid ah madaxda ka qayb galeysa madasha Qaxootiga.

Ra’iisul Wasaaraha oo shalay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan la yeeshay kulan looga hadlay xoojinta xariirka, iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga, ayaa maanta ka qayb galay madasha qaxootiga oo berri lasoo xirayo.

PUNTLAND POST