Madasha Aragti wadaaga Soomaalida oo lagu soo geba-gabeeyay Jabuuti

Shirkii Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida ee ka socday dalka Jabuuti, oo maanta la soo geba-gabeeyay, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed soo koobaya nuxurkii shirkaasi.

Shirka oo saddex maalmood ka socday caasimadda waddanka Jabuuti, ayaa looga hadlayay qodoba ay kamid yihiin; Doorka Soomaalid ka qaadan karto Nabadda Geeska Afrika, Doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya, Horumarinta Ganacsiga & Waxbarashada  iyo Qaddiyadda Somaliland.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay, in Madashu ay ku baaqayso in dib loo soo celiyo Wada-hadalladii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, si xal looga gaaro arrinta Somaliland.

Sidoo kale, Madasha ayaa ku baaqday in doorashada madaxtinimada Soomaaliya wkahtigeeda lagu qabto, waxaana ay walaac ka muujisay xiisadaha siyaasaddeed ee ka taagan Soomaaliya.

Madashu waxay ugu baaqday hoggaanka Soomaalida Kenya, in ay wax ka qabtaan burburinta hantida Soomaaliyeed, gaar ahaan burburinta hantida shirkadaha Isgaarsiinta, sida laga soo xigtay War-murtiyeedka

Dhinaca kale,  Madasha ayaa soo jeedisay in sannadka 2020 loo aqoonsado sannadka waxbarashada Soomaalida. Hal ku dhigna laga dhigto: “Yaan ubadka looga tagin aqoon la’aan”

Madasha ayaa  madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shirka soo xiray u aqoonsatay xuddunta Soomaalida, sida war-murtiyeedku xusay.

PUNTLAND POST