Golaha wakiilada dowladda Maraykanka ayaa maanta oo Arbaco ah u cod u codayn doona in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump iyo in kale.
Aqalka Wakiilada oo dhameystiran ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda u codeeyaan laba qodob oo ah dacwadda xil ka qaadista madaxweyne Trump.
Labadaas qodob ayaa waxaa toddobaadkii tegay ansixiyey guddi hoosaadka caddaaladda ee Congress-ka si loogu gudbiyo golaha.
Dimoqraadiyiinta ayaa Trump ku eedeeyey inuu si qaldan awooddiisii madaxweynenimada u isticmaaley isagoo weydiistey Ukraine in ay baarto ninka hormuudka u ah musharrixiinta dimoqraadiga ah.
Madaxweyne Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii seddexaad ee lagu soo oogo dacwad xilka-xayuubin ah isagoo xafiiska jooga.
Haddii go’aankan ay isku raacaan xubnaha Aqalka hoose ee Kongeyska Maraykanka , waxaa loo gudbin doonaa aqalka Senate-ka oo si uu ansixiyo.
PUNTLAND POST