
Laamaha Amniga Puntland ee gobolka Bari oo is kaashanaya, ayaa maanta ku guulaystay in ay fashiliyaan qaraxyo miino oo lagu saasay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Saraakiisha ciidamada, ayaa ka hor inta aysan qarxin miinooyinkaasi, waxay shacabkii goobta agdhowaa ku wargeliyeen, in ay isaga baxaan halkaasi, kadibna waxay rasaas ku qarxiyeen miinooyinkii aasnaa.
Mudadii hawlgalkaasi socday, waxa hakad la geliyay isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha nawaaxiga goobta qaraxyada lagu arkay, si aysan waxyeello uga soo gaarin dadka Rayidka ah.
Haddaba, Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo wareysi siiyay Puntland Post, ayaa ka warbixiyay sida loo fashiliyay qaraxyadii aasnaa, waxaana uu bogaadiyay ciidamadii fuliyay hawlgalkaasi guulaystay.
Hoos ka daawo wareysiga Taliyaha
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.