Beesha Caalamka: Jubbaland xaalada siyaasadeed wali ma xasilloona

Wakiilo ka socday Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-gobaleedka IGAD, iyo Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii booqday caasimadda Jubbaland ee Kismaayo, halkaas oo ay ku yeesheen shirar ku saabsan sida dalku u dhaqan gelin karo ahmiyadaha qaran ee sanadka soo socda 2020.

“Waxaan halkaan u joognaa inaan la shaqeyno daneeyayaal fara badan isla markaana aan dhageysanno aragtidooda ku saabsan sida muhiimadaha qaran ee mudnaanta leh lagu gaari karo sannadka 2020. Kuwaas waxaa ka mid ah u diyaargarowga doorashada ‘hal-qof, hal-cod’, dhammaystirka dastuurka Federaalka, horumarka joogtada ah ee loo wajahayo deynta, iyo dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab”. ayuu yiri Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo hoggaaminayey wafdiga Beesha Caalamka ee tigey Kismaayo.

Mudane Swan wuxuu yiri “Ka hor sanadkaan xasaasiga ah, wakiilo ka socda qaar kamid ah iskaashiga dhinacyada badan ee Soomaaliya waxay la shaqeynayaan mas’uuliyiinta qaranka, dowladaha xubnaha ka ah federaalka, odayaasha iyo bulshada rayidka ah, guud ahaan dalka.”

Wafdigan ayaa kulamo la qaatay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), odayaasha deegaanka, wakiillada bulshada rayidka ah iyo hogaamiyaasha mucaaradka, iyagoo qirey in xaalada siyaasadeed ee Jubbaland aysan wali xasilloonayn.

“Inkastoo xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland ay tahay wali mid aan deganeyn, haddana Jubbaland iyo shacabkeeda waxa ay leeyhihiin door ay ka qaataan ku guuleysiga hadafyada 2020, ma rajeyneyno in aragtiyadooda la iska indha-tiro,” ayuu yiri Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

James Swan wuxuu kaloo iftiimiyay in himilooyinka Soomaaliya lagu gaari karo wada shaqeyn adag oo ka dhaxaysa dhammaan dhinacyada ay qusayso iyo in 2020 ay leedahay awood ay u noqon karto sanad taariikhi u leh Soomaaliya.

“Waxaan ku dhiirrigelinaynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida, hay’adaha iyo bulshada inay ka qaybgalaan wadahadal si loo heshiiyo hab horay loo maro, iyo in la iska kaashado sidii loo xaqiijin lahaa waxyaabaha mudnaanta la siinayo sannadka soo socda”. ayuu yiri James Swan.

PUNTLAND POST