Taliye xigeenka Militariga Soomaaliya oo kormeeray fariisimaha ciidanka ee Shabeellada Dhexe

Taliye Ku xigeenka Ciidanka Millitariga dowladda Federaalka Soomaaliya S/guudto Maxamed Cali Bariise ayaa Booqday Fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Degaanka Xaaji Cali ee Hoostaga Degmada Cadale Gobolka Shabellada Dhexe.

Wakaaladda Wararka SONNA ayaa sheegtay in Taliye xigeenku uu Mid Mid u kormeeray Fariisimaha Ciidanka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degaanka Xaaji Cali, sidoo kalena kulamo laqaatay odayaasha dhaqanka deeganka iyo Ciidanka macawiisleyda oo ladagaalama Maleyshiyaadka Al-shabaab.

Taliye ku xigeenka ciidanka xooga dalka sareeye guuto maxamed  cali bariise waxa uu Saraakiisha Macawiisleeyda uu la kulmay uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa dagaalka Al-shabaab looga saarayo Gobolka Shabellada.

PUNTLAND POST