Sidee isugu aadeen kooxaha isugu soo haray tartanka kooxaha Yurub?

Magaalada Nyon ee dalka Switzerland waxaa maanta ka dhacay isku Aadka wareega 16-ka tartanka kooxaha horyaalada qaarada Yurub ee UEFA Champions League-ga.

Kooxda difaacanaysa tartankan ee Liverpool ayaa wajihi doonta kooxda reer Spain ee Atletico Madrid oo ah koox aan la dhayalsan karin, halka kooxda Man City ay ku aaday kooxda ugu guuleysiga badan tartankan ee Real Madrid.

Kooxda reer England ee Chelsea ayaa ku dhacday kooxda reer Germany ee Bayern Munich oo ay 2012 ka qaaday tartankan, Lampard oo isagoo ciyaartoy ah tartankan ka qaaday ayaa isagoo tababare ah ka hor-iman doona Bayern.

Barcelona oo wadata xidiga ugu laacibsan dunida ee Messi ayaa ku aaday koox sahlan waana Napoli, halka Juventus oo kamid ah kooxaha ugu awooda badan Yurub ay wajihi doonto kooxda reer France ee Lyon oo ah koox sahlan.

Sidoo kale kooxaha Borussia Dortmund iyo Paris Saint-Germain ayaa isku aaday, halka Tottenham oo sanadkii hore lagaga guuleystay tartankan ay ku dhacday kooxda reer Germany RB Leipzig oo ah koox sakhiran.

Kulamada lugta koowaad ee wareega 16-ka ayaa la ciyaari doonaa 18-19 iyo 25-26 bisha February 2020, halka lugta labaad la ciyaari doono 10-11 iyo 17–18 bisha March 2020.

Hoos kaga bogo sida ay isugu aadeen 16-ka kooxood.

Borussia Dortmund vs Paris Saint-Germain

Real Madrid vs Manchester City

Atalanta vs Valencia

Atletico Madrid vs Liverpool

Chelsea vs Bayern Munich

Lyon vs Juventus

Tottenham Hotspur vs RB Leipzig

Napoli vs Barcelona

PUNTLAND POST