Madaxweynaha Waddanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku goodiyay in uu gebi ahaanba xiri doono laba saldhig militari oo Turkey-ga ku yaalla kuwaas oo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka ka dib markii ay Washington ku hanjabtay in ay cunnaqabateyn ku soo rogayso Ankara sabab la xariirta hubka uu Turkigu ka soo iibsanayo Ruushka.
Madaxweyne Erdogan ayaa marka ay xaalad siyaasadeed ka dhex aloosanto dalkiisa iyo waddanka Maraykanka waxa uu caadiyan ku hanjabaa in uu albaabada u laabi doono labadaasi saldhig ay isticmaalaan Ciidamada Maraykanka.
Ciidamada cirka ee Mareykanka ayaa saldhigga militari ee Incirlik u isticmaala duqeymaha ay ku qaadaan kooxda la magac-baxday ISIS ee gudaha dalka Suuriya. Saldhigga kale ee Kurecik ayaa martigeliya raadaar weyn oo ay leeyihiin ciidamada isbahaysiga NATO.
Wasiirka Arrimaha Debedda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa todobaadkii hore soo qaaday suurtagalnimada in la xiro labadan saldhig isaga oo ka jawaabayay hanjabaadda Mareykanka ee cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogo Ankara.
Dowadda Turkey ayaa Jimcadii la soo dhaafay u yeertay safiirka Mareykanka ee dalkaasi ka dib markii aqalka sare ee Senate-ka Mareykanku ansixiyey sharci ay horey usoo gudbiyeen aqalka hoose ee Wakiilada kaasi oo xasuuq loogu aqqoonsanayo dilkii 1915 loo gaystay Armeeniyiint.
PUNTLAND POST