Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Kismaayo, kadib safar uu dalka dibadiisa ugu maqnaa muddo 20 cisho ah.
Madaxweyne kuxigeenka 2aad ee Jubbaland, labada gole ee Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee ururada bulshada ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa si diiran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Sayyid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo.
Soo dhaweyn kadib Madaxweynaha Jubbaland ayaa warbaahinta kula hadley qeybta nasashada ee garoonka, wuxuuna si kooban uga warbixiyey safarkiisii iyo waxyaabihii u soo qabsoomey.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in intii uu ku sugnaa magaalada Nairobi uu kulamo kala duwan la qaatey Beesha caalamka, Saamileyda Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo madax ka tirsan Kenya, dhamaantoodna kala hadley arrimo quseeya Amniga, Siyaasadda iyo sidii xalwaara looga gaari lahaa khilaafka DFS iyo Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa si kooban uga hadley xaalada gobolka Gedo iyo tallaabooyin uu sheegay in lagu carqaladeynayo amniga iyo dowladnimada dalka oo ay DFS ka wado halkaas, kuwaas oo uu sheegay inaysan natiijo ka gaari doonin haddii aysan wado wanaagsan u soo marin kana waantoobin baalmarka dastuurka dalka u yaala.
Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in xaalada Soomaaliya hadda aysan u baahneyn anaa idhi iyo sidaan rabaa socon, ee xalka ay u baahantahay uu yahay wadatashi iyo in isfaham rasmi ah lagaga gaaro waxkasta oo la isku qabto.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyn sheegay in DFS ay shaqadeeda dhanba kusoo uruurisey halkee dhisan oo aan duminaa ee aysan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka shaqeynin taasna xisaabi ka dambeyn doonto, sida uu sheegay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.