Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland Axmed Muuse Nuur, oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraxyo bumbooyin ah oo Caawa lagu weeraray Saldhiga bartamaha magaalada Gaalkacyo.
Guddooomiyaha ayaa sheegay, in fiidnimadii Caawa laba bumbo lagu soo tuuray gudaha Saldhiga bartamaha Gaalkacyo, kuwaasi oo sida uu sheegay aan wax khasaare naf iyo maal midna geysan, marka laga reebo nin dhalinyaro ah oo dhaawac fudud ka soo gaaray firiro ay qaraxyadu sameeyeen, xilli uu marayay bannaanka Saldhiga.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay, in qaraxyada lagu wareeraray saldhiga bartamaha Gaalkacyo aysan ahayn kuwa argagixiso, balse ay ku tuhmayaan in ay yihiin kuwa siyaasadeysan oo lagu khal-khalinayo Amniga magaalada, si xaalad-abuur loogu sameeyo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jirin cid loo qabtay falkaasi.
“Wallaahi, hadda arrintan dhacday, ma aha Argagixisadii noocaa uma shaqeeyaan, waxaan isleeyahay, waa dad khalkhalinaya Amniga magaalada, meel kale kama imaan maaha Argagixisada farsamadeedu noocaas, wax iskama tuuraane waxbay bi’iyaan ay hubaan.” Ayuu yiri Guddoomiyaha.
Hoos ka daawo wareysiga Guddoomiyaha
PUNTLAND POST