Guddoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaanka), ayaa Munaasabadda Daah-furka Qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, waxa uu ka shaaciyay in Golaha Wakiilada Puntland ay ansixiyeen dhammaan Xeerarkii muhiimka u ahaa hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland.
“ Golaha Wakiiladu, waxay qaateen doorkoodi, iyagoo ansixiyay wixii xeerar ah ee loo baahnaa, si loo dhaqaajiyo Hannaanka Dimoquraadiyadda Puntland” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay, in Golaha Wakiilada Puntland ay doorkii kaga aaddanaa ka qaateen Magacaabidda iyo ansixinta Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), si loo dardar-geliyo Barnaamijka Dimoquraaddiyeynta Puntland.
“ Sidoo kale, wuxuu Goluhu doorkiisi ka qaatay, Magacaabista iyo ansixinta, Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, sida ku cad Qodobka 112-aad ee Dastuurka dowladda Puntland Lifaaqa kowaad” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha.
Mudane Jibriil, ayaa Deeq-bixiyaasha Beesha Caalamka ka dalbaday, in ay Taageerada Dhaqaale ee looga baahanyahay ku bixiyaan Barnaamijka Dimoquraadiyadda Puntland, si uu taabba-gel u noqdo, loogana gudbo Nidaamka Qabaliga ah ee Puntland wax ku doorato.
Halkaan ka daawo hadalkiisa oo dhamaystiran
PUNTLAND POST