Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahu Deni oo mudda 20 Cisho ah safar ugu maqnaa magaalada Dubai ee waddanka Imaaraatiga, ayaa maanta oo Sabtiya dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee caasimadda Garoowe ku soo dhaweeyay, mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda iyo maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe.

Mudane Deni, ayaa markii uu Garoonka ka soo degay, wuxuu si toos ah ugu soo gudbay xarunta madaxtooyada, isagoo aan ka warbixin safarkiisi magaalada Dubai ee xarunta Gnaacsiga waddanka Imaraaadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa xalay ku soo hoyday magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia oo uu shalay soo gaaray, waxaana uu halkaasi xalay kula kulmay Wasiirka Maaliyadda Ethiopia Axmed Shide.

PUNTLAND POST