Madaxweyne Deni iyo Axmed Shide oo ku kulmay Addis Ababa

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.

Soo dhoweyn iyo isxog waraysi kadib Madaxweyne Deni iyo Wasiir Axmed Shide ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, amniga, horumarka iyo xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Puntland soo dhoweynayso iskaashiga horumarineed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland. Waxaana uu Madaxweyne Deni u rajeeyey shacabka iyo dowladda Itoobiya Amni iyo horumar.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Itoobiya Axmed Shide ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka isaga iyo Madaxweynaha Puntland, waxaana uu tilmaamay in ay dhankooda diyaar u yihiin dardargelinta iskaashiga ganacsi, amni, horumar iyo deris wanaag ee ka dhexeeya labada dhinac.

Madaxweyne Deni oo muddo 20 berri ah safar ugu maqnaa dalalka Imaaraadka iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu berri oo Sabti ah dalka dib ugu soo laabto.

PUNTLAND POST