Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar abaaro 7-dii fiidnimo (10-12-2019) lagu qaaday hotel SYL oo ka soo horjeeda Madaxtooyadda Soomaaliya.
Koox ka tirsan Al-shabaab oo lagu sheegay afar nin oo qaba dareyska ciidamada Booliska dowladda kuna hubaysan qoryaha fudud iyo bambaanooyin ayaa weeraray hoteelkaas oo ay deganaayeen masuuliyiin ka tirsan Federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Weerarkan waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan tiro rasmi ah la hayn, hadana inta la xaqiijiyey waxaa ka mid ah Garsoore ka tirsan maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir, saddex odey dhaqameed iyo askari ka tirsan ciidanka dowladda, halka dadka dhaawacmay ay kamid yihiin labo Xildhibaan.
Weerarkan ayaa ka duwanaa weeraradii hore ee Al-shabaab lagu yaqaanay, kuwaas oo qarax gaari ku bilaaban jiray, balse kan ayaa lagu bilaabay rasaas lala eegtay ilaalada hoteelka, kadib waxaa gudaha loo galay hoteelka.
Booliska gaar ah ee Haramcad ayaa ka howlgalay hoteelka, waxayna soo badbaadiyeen dad ku dhow 100 qof oo isugu jira masuuliyiin iyo shacab, sidoo kale waxay sheegeen in ay toogteen qaar kamid ah kooxdii hoteelka soo weeraray.
Dadka laga soo baxbaadiyey hoteelka waxaa kamid ah labo Xildhibaan oo oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo kala ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore iyo Xildhibaan Suleymaan Faarax Ciise.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore oo markii la soo badbaadiyey, daqiiqado kadib la hadlay PUNTLAND POST, ayaa ka warbiyey sida wax u dhaceen.
Xildhibaanka oo faahfaahinaya dhacdadaasi, ayaa sheegay in dableey hubaysan oo bamba-gacmeedyo tuuraya ay gudaha u galeen hoteelka SYL oo isagu degganaa, kadibna iska hor-imaad xooggan halkaasi ku dhexmaray ciidamada Amniga iyo kooxda weerarka soo qaaday.
Waxaa uu xaqiijiyay, in uu indhihiisa ku arkay mayd iyo dhaawac yaalley goobta, balse isaga iyo dad kaleba laga soo badbaadiyay gudaha hoteelka, kadib daqiiqado ay go’doon ku jireen.
Sidoo kael, xildhibaanka ayaa sheegay in dableyda weerarka soo qaaday, ay albaabada ku jebinayeen qaar kamid ah dadkii hotelka degganaa ee qolalka isku xiray.
Dowladda ayaa ilaa hadda si toos ah uga hadlin weerarkan, marka laga reebo fariimo gaaban oo qaar kamid ah masuuliyiinta Boolisku soo dhigeen baraha bulshada.
Hadda oo aan warkan daabacnay waa 1-dii habeenimo oo Arbaca la galay, wali lama soo afjarin howlgalka hotel SYl, oo saconaya muddo ka badan lix saac, ilaa iyo xiligaas waxaa gudaha hoteelka laga maqlayey rasaas iyo qaraxyo goos goos ah.
Sidaan oo kale weerar Al-shabaab ku qaadeen hoteelkan sanadkii 2016, waxaa lagu dilay dad ka badan 20 qof.
SYL wuxuu ahaa hotel si aada loo ilaaliyo amnigiisa, wuxuuna waxyar u jiraa Madaxtooyadda Soomaaliya.
PUNTLAND POST