Dekedda Muqdisho oo mar kale laga dhoofiyey Moos

Dekedda magaalada Muqdisho waxaa markii labaad muddo kooban gudaheed laga dhoofiyey ilaa Afar iyo Toban tan oo Moos ah, kaas oo loo dhoofiyey dalka Turkiga.

Mooskan oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed, waxaa dhoofkiisa suuragelisay Wasaaradda Beeraha Dowladda Soomaaliya oo dib usoo celisay xiriirkii ganacsiga dalagyada kasoo go’o Soomaaliya lala haa Caalamka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Yuusuf Nuur ayaa sheegay in la helay dalabyo badan oo ka yimid suuqyadda Caalamka loona baahanyahay in loo diyaar garoobo kor u qaadista iyo diyaarinta wax soo saarka dalagyada kala duwan ee kasoo go’a dalka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka, Daahir Cabdi Cabdullaahi ayaa isna sheegay in waxyaabaha dibadda looga keeno dalka iyo kuwa laga dhoofiyo loo baahanyahay inay sinaadaan, taasi oo qeyb ka ah qorsha hormarinta dhaqaalaha dalka.

Sidaan oo kale bishii la soo dhaafay ee November waxaa Dekedda Muqdisho laga dhoofiyey Laba Konteenar oo Moos ah, kaas oo si tijaabo ah loogu diray dalka Sacuudiga.

Mooska oo ka mida dalagyada ka soo baxa dalka, ayaa Soomaaliya laga dhoofin jiray 30 Sano ka hor, waxaana soo celinta iib-geyntiisa lagu tilmaamay mid faa’iida weyn u ah dhaqaalaha guud ee dalka.

PUNTLAND POST