Beesha Caalamka oo Hirshabeelle kala hadashay doorashada 2020

Magaalada Jowhar waxaa maanta tegay wafdi ka socda Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD

Wafdiga ka socda Beesha Caalamka waxaa hoggaaminayey Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan waxayna garoonka diyaaraha Jowhar kula kulmeen Madaxweyne Waare, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhallinyarada iyo bulshada rayidka ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska James Swan ayaa lagu sheegay in kulankii Jowhar looga hadlay arrimaha la xiriira hannaanka doorashada, horumarinta bulshada, ammaanka iyo muhiimadda ay leedahay in hab wada oggol ah loo wajaho kala mudnaansiinta howlaha 2020.

“Waxaan kulan muhiim ah ku yeelanay magaalada Jowhar, kaas oo looga dooday arrimaha la xiriira hannaanka doorashada, horumarinta bulshada, ammaanka iyo muhiimadda ay leedahay in hab wada oggol ah loo wajaho kala mudnaansiinta howlaha 2020” ayuu yiri Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Beesha Caalamka ayaa maalmihii u dambeeyey wadatashiyo kala yeelanaysay dowladaha xubnaha ka ah dowladda Fedaraalka doorashada 2020-2021.

PUNTLAND POST