Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoorre oo ka tirsan Baarlamanka dowladda Puntland, kana mid ahaa dadkii laga soo badbaadiyay weerarka Caawa lagu qaaday Huteel SYL, ayaa Puntland Post uga warbixiyay sida wax u dhaceen.
Xildhibaanka oo faahfaahinaya dhacdadaasi, ayaa sheegay in dableey hubaysan oo bamba-gacmeedyo tuuraya ay gudaha u galeen hoteelka SYL oo isagu degganaa, kadibna iska hor-imaad xooggan halkaasi ku dhexmaray ciidamada Amniga iyo kooxda weerarka soo qaaday.
Waxaa uu xaqiijiyay, in uu indhihiisa ku arkay mayd iyo dhaawac yaalley goobta, balse isaga iyo dad kaleba laga soo badbaadiyay gudaha hoteelka, kadib daqiiqado ay go’doon ku jireen.
Sidoo kael, xildhibaanka ayaa sheegay in dableyda weerarka soo qaaday, ay albaabada ku jebinayeen qaar kamid ah dadkii hotelka degganaa ee qolalka isku xiray.
Halkaan ka daawo wareysiga xildhibaanka
PUNTLAND POST