Rasaas xoogan iyo qaraxyo ayaa laga maqlayaa hotel SYL ee Muqdsho oo ku yaalla kasoo horjeeda xarunta Madxtooyada Soomaaliya.
Koox hubeysan ayaa gudaha u galay hotelka SYL, waxaana gudaha laga maqlayaa qaraxyo iyo rasaas, warar soo baxaya sheegaya in khasaaro dhimasho iyo dhaawacba uu jiro, inkastoo aan wali si toos ah loo xaqiijin karin.
Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa soo gaaray hotelka SYL, kuwaas oo la tacaalaya weerarka, waxaana jira dad laga soo badbaadiyey gudaha hotelka.
Al-shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyadda weerarkan oo hadda ka socda meel u dhow Madaxtooyada Soomaaliya.
Hotelka SYL oo si weyn loo ilaaliyo, waxaa deganaa masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Faahfaahin dib kala soco