James Swan: Soomaaliya waxay horumarka ka gaartay Xoojinta sarreynta Sharciga

Iyadoo Shalay la xusay  Maalinta Caalamiga ah ee La’dagaallanka Musuq-maasuqa, ayaa ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, waxa uu sheegay in Soomaaliya  horumarka ka gaartay dhanka xoojinta sarreynta sharciga iyo dhisidda hay’ado daah-furan oo lala xisaabtami karo.

Qaramada Midoobay waxa aad u dhiiri-geliyay saxiixii uu dhowaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ uu saxiixay hindise-sharciyeedkii dhismaha guddiga la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo diyaarinta Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa. Kuwani waa tallaabooyin ammaan mudan oo Soomaaliya ay horay u qaadday.” Ayuu yiri Mr Swan.

War-saxaafadeed Af-Soomaali ku qoran, oo ka soo baxay xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia James Swan, ayaa sidoo kale lagu sheegay, in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay, hirgelinta dib-u-habeyn lagu xoojinayo dowladnimada iyo yareynta u-nuglaanta musuq-maasuqa.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ogsoon sida ay Dowladda Federaalka ah uga go’an tahay hirgelinta dib-u-habeyn lagu xoojinayo dowladnimada iyo yareynta u-nuglaanta musuqmaasuqa waxaana taa markhaati ka ah meel-marintii uu dhowaan aqalka hoose meel-mariyay Hindise-Sharciyeedkii Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka  iyo ansixintii ay labada aqal ee baarlamaanku ansixiyeen Sharciga Maareynta Maaliyadda Dowladda ee wax-ka-bedelka lagu sameeyay iyo Sharciga Shirkadaha.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dhinaca kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay, in Xafiiska Qaramada Midoobay uu gudaha Soomaaliya ka dhisay, hanaan lagula dagaallamo musuqmaasuqa oo ay kala shaqeynayaan hay’adaha lacagta adduunka iyo saaxiibada ku hawllan horumarinta, si adeegyo talo bixin iyo kuwo farsamo loogu fidiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya  oo la tacaalaysa musuq-maasuqa. 

Halkaan riix si aad u akhriso war-saaxafadeedka oo dhan

PUNTLAND POST