Halkee lagu hayaa Silvia Romano?

Bishii hore ayay Ansa, wakaaladda wararka ee Talyaaniga, soo saartay warbixin ay ku xustay in Silvia Romano, oo ah isxilqaame ka tirsan hay’adda Africa Milele, ay ku jirto gacanta ururka Al-shabaab. Silvia waxaa laga afduubay Kilfi bishii Nofeebar ee 2018kii.

Maxkamadda Malindi ayaa waraysatay goobjoogeyaal. Adfuubayaashu waxay Silvia la aadeen webiga Galanna.

Khariidad muujinaysa meesha Silvia laga soo afduubay

Wakaaladda waraka Adnkronos ayaa warisay in Silvia lagu hayo dhul ku yaalla dhulka uu ka taliyo maamulka Koonfur Galbeed. Wageyska Il Messaggero ayaa wariyay in “23 burcadeed iyo oday dhaqameedyada Al Qaida iyo dhexdhexaadiyayaal looga shakisan yahay inay abaabuleen afduubista” Silvia.

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed uu oggolaaday gacan ku dhigista hantida tuhmanayaasha.

Silvia Romano: Nabad ku soo noqo

Waxaa jira la haystayaal kale oo lagu afduubay dalka Kiinya hase ahaatee may cadda meesha lagu hayo. 

Ururka Al-shabaab muu sheeganin afduubista Silvia Romano. Su’aalo badan ayaa jira oo ku saabsan sida ay ugu suurtogashay afduubayaasha inay Silvia ka soo afduubeem dalka Kiinya kaddibna u kexeysteen Soomaaliya inkasta oo  gobollada Koonfur Galbeed aysan soohdin la hayn Kiinya. 

© 2019 Puntland Post