Baarlamaanka Puntland oo xasaanaddii xildhibaanimo ka qaaday Dhoobo-daareed

PUNTLAND POST ayaa horey u baahisay Xog ah in la wado mooshin xubinnimada Baarlamaanka looga qaadayo, guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed).

Haddaba, xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta la hor keenay mooshiin xasaanad ka qaadis oo ay ku saxiixan yihiin 38 mudane oo ka dhan ah Xildhibaan Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) oo lagu soo eedeeyey in uu ku xad-gudbay Dastuurka Puntland.

Baarlmaanka Puntland oo gacanta u taagaya xasaanad ka qaadistii Dhoobo

Fadhiga oo ay soo xaadireen 40 mudane ayaa waxaa ay cod gacan taag 39 mudane xasaanaddii uga qaadeen Xildhibaan Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed), halka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland uu ka aamusay.

Dhoobo-daareed ayaa 7-dii November ee sannadkan laga qaaday xilkii Guddoomiyaha Baarlaanka Puntland, wuxuuna haatan ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Hoos ka daawo sidii looga qaaday xasaanadda Dhoobo-daareed

PUNTLAND POST